Muxuu ku saaabsan yahay Axdiga AMISOM ay la gashay madaxda Qaranka iyo M/Goboleedyada?

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ah Guddoomiyaha AMISOM c,ayaa madaxda Soomaaliya u balan qaaday iney AMISOM sii wadi doonto taageerada Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada si meesha looga saaro Kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Mr. Francisco Madeira in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM dhul balaaran ay ka saareen Al-Shabaab oo muhiim u ah Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale,Ergayga Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha AMISOM ayaa qiray in Al-Shababa ay laba jibaareen weerarada ay ku qaadayaan xarumaha Dowladda iyo Fariisimaha Ciidamada AMISOM ee ku leeyihiin Gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

22-kun oo askari oo ka socda dalalka Midowga Africa oo ku howlgala magaca AMISOM ayaa ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo xag farsamo iyo Militari ka taageera Dowladda Soomalaiya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT