Kooxda Manchester United oo kulan soo laabasho leh Selhurst Park ku garaacday Crystal Palace xilli ay kusoo laabatay booska 2-aad

 

Manchester United ayaa gaartay guul weyn ciyaar soo laabasho aheyd oo ay garoonka Selhurst Park kula ciyaartay Crystal Palace, waxeyna dib ugu soo laabteen kaalinta 2-aad ee horyaalka.

Red Devils waxey ku bilaabatay kulanka si aan wanaagsaneyn taasoo sahahay in Palace ay hogaanka u qabato ciyaarta daqiiqadii 10-aad markii Townsend uu ku dhuftay kubad Lindelof.

Wiilasha Mourinho waxey gabi ahaan soo bandhigeen qeybtii hore kulanka – ciyaar aan sinaba loo jecleysan oo aan laheyn xitaa is faham kooxnimo.

Soo laabashadii qeybta labaad kubad laad xor ah oo la boobsiiyay waxaa loo dhigay Patrick van Aanholt kaas oo si xawaare leh goolka ula galay isla markaana si awood leh u dhameystiray.

Red Devils ayaa gool soo celisay waxaana u dhaliyay Chris Smalling kaas oo madaxa ku dhuftay kubad uu soo tuuray Valenica.

Jose Mourinho isbadal muuqda ayuu ciyaarta ku sameeyay isagoo saaray Young iyo Valencia wuxuuna soo galiyay Shaw iyo Juan Mata kuwaas oo qudhooda wax weyn ka qabtay kulanka.

Romelu Lukaku ayaa kubad ay adkeyd in laga faa’iideeyo oo markii hore birta uga dhacday Sanchez dhameystiray daqiiqadii 76-aad taasoo barbaro ay ku heshay kooxda martida aheyd.

Nemanja Matic ayaa dhaliyay gool wadnaha tiray jamaahiirta Palace, sidoo kalana ka farxiyay jamaahiirta United, waxey aheyd kubad dhul ma dhacdo ah oo uu ka tuuray banaanka xerada ganaaxa.

Natiijada waxey noqotay in Man United ay ku adkaato 2-3, waxeyna guusha ka saciday iney dib ugu soo laabato kaalinta 2-aad kana tuurto booska Liverpool.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT