GUUL: Dowladda oo Canshuurta Iibka gaarsiiyay Maamul Goboleedyada iyo Dadaalka Wasiir Bayle

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa canshuurta iibka gaarsiiyey Maamul Goboleedyada dalka.

Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa laga soo saaray war-murtiyeed go’aano kasoo baxay arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha Dalka iyo sidii loo midayn lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa yiri: “Waxaa maanta aan isla garannay sidii loo midayn lahaa canshuuraha qaarkood gaar ahaan canshuuraha gadista, waxaa kaloo aan isla-garanay in kheyraadka iyo qeybtooda iyo sidii loogu talagalay aan ku heshiinay anaguna raacsanahay”.

HALKAAS HOOS KA AKHRI WAR-MURTIYEEDKA:-

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT