DEG DEG:- Masuul Ka Socda DFS Oo Kulamo Xasaasi Ah La Qaatay Madaxda Ugu Sareysa Dalka India

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Hindiya Ram Nath Kovind, Ku-xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo ra’iisal wasaaraha dalka Narendra Modi

Soomaaliya ayaa ayaa qeyb ka noqoneysa dalalka ka qeybgalaya shir caalami ah oo dalkaasi ka furmaya, waxaana lagu wadaa in shirkaasi uu khudbad ka jeediyo, Ra’isul wasaare xigeenka Soomaaliya.

Madaxda ugu saraysa dalka Hindiya ayaa wadajir u soo dhaweeyay Ra’iisal wasaare xigeenka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaana uu kala qayb galay kulan casho sharaf ah oo Hindiya ku qaabishay madaxda 121-ka dal oo ka qeybgalaya shirka Caalamiga ah ee International Solar Alliance oo ka furmaya magaalada New Delhi.

Booqashada Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ku ku joogo wadanka India ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Somalia.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT