Amarka ka soo baxay Shabaab oo saameeyey Garoomada ku yaala Nawaaxiga jidka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

Al Shabaab ayaa xiray inta badan garoomadda lagu ciyaaro kubadda Cagta ee loo yaqaan (Salaxa) kadib markii muddooyinkii dambe ay wadeen xiriiro kala duwan oo ay la sameynayeen Milkiilayaasha goobaha lagu ciyaaro Kubadda Cagta.

Horay Shabaab waxa ay u xireen goobo lagu Ciyaaro Kubadda Cagta oo ku yaallo Degmooyinka, Dayniile, Yaaqshiid, Kaxda Iyo Heliwaa, haddana waxa ay amaro dul dhigeen goobaha lagu ciyaaro Kubadda Cagta ee ku dhaw xayndaabka wadada Maka Al-Mukarama.

Dhawr Salax oo ku yaallo nawaaxiga Wadada Maka Al-Mukarama Milkiilayaasha iska leh, ayaa xalay lagula soo xiriiray Taleefoonka waxaana loo sheegay inay xiraan goobahaasi illaa amar dambe.

Mid ka mid ah dhalinyarada doonaysay galabta inay ku ciyaaraan Kubadda Cagta Salaxa ku yaallo dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-Mukarama, ayaa Milkiilaha Garoonka wuxuu u sheegay inay iska xireen Garoonka illaa amar dambe, kadib amarka Shabaab ay soo bixiyeen.

“Xalay ayaa taleefoon naloo soo diray meesha salaxa xira ayaa nala dhahay illaa amar dambe, wax kale nooma aysan sheegin.” Ayuu yiri Milkiilaha Garoonkan Kubadda Cagta ee Salaxa.

Illaa hadda lama oga ujeedka ka dambeeya in Al Shabaab ay soo rogaan amaradaan saameeyay goobaha dhalinyarada ay ku ciyaaraan Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Amarada ay soo saaraan Al Shabaab ayaa si toos ah wuxuu uga dhaqan galaa Degmooyinka Gobolka Banaadir, sida bixinta canshuurta ganacsatada iyo fulinta awaamiirta kale ee Shabaab ay ku soo rogaan dadka Muqdisho, xilli dowladda ay maamuleyso magaalada.

 

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT