AKHRISO: Ganacsatada G/Banaadir oo cabasho u gudbiyay Guddoonka 2-da Aqal ee dalka+AKHRISO

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka dhan ah Wasaaradda Maaliyadda oo ku aadan canshuur kordhintii u gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Warqada cabashada ee Ganacsatada ayaa lagu sheegay in aysan diidaneyn in canshuur bixiyaan, hase ahaatee ay diidan yihiin canshuur kordhinta xad-dhaafka.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa sheegay in canshuurta lagu kordhiyay ay gaareyso wax ka badan 30%, isla markaana warka ka soo yeeray Wasaaradda Maaliyadda ee ah 5% uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Ganacsatada ayaa ka codsaday Guddoonka Baarlamaanka inay wax ka qabtaan arrintan, iyagoo la wadaagay qoraal ku aadan xaqiiqada canshuurta xad-dhaafka ee lagu soo rogay Ganacsatada.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT