Wax badan ka ogow diblumaasiyiin shisheeye iyo Soomaali isugu jira oo Boorsooyin Lacag ah ku maalgalinaya mooshinka Imaaraadka Carabta

Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Dowlada Qatar ay dhaqaale xoogan ku bixineyso Mooshinka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan Heshiiska Dp World ee Dekada Berbera.

Wakiilo ka socda Dowlada Qatar oo Diblumaasiyiin Soomaaliya iyo Qatar isugu jira ayaa wada ololahan lagu balaarinayo Mooshinka ka dhan DP World, waxaana arintan ay dhabarjab weyn ku tahay Dowlada Imaaraadka oo awooda siyaasaeed kula dagaalameysay Qatar.

Dagaal xoogan ayaa ka dhaxeeya Dowlada Qatar iyo Xulufada Imaaraadka, Soomaaliyana waxay uga mid tahay dalalka ay kusoo bandhigaan awoodooda siyaasadeed, iyagoo kala jiitay Madaxda dowlada iyo Mucaaradka.

Dhawaan ayay aheyd markii Kulankan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ay Qatar ku balanqaaday Dhaqaalo aad u badan, sidoo kalena ay diyaar u tahay Mashaariicda Dowlada Imaaraadka inay la wareegto.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT