Waa intee rajada ay Soomaaliya ka qabto Hogaaminta IGAD?( Muxuuse M/weyne Farmaajo ka yiri?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta furay kala fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrimo oo ay ka mid tahay rajada Soomaaliya ay ka qabto inay sanadkaan hogaamiso Urur Goboleedka IGAD.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay markan tahay markii ay hoggaamin lahayd Urur Goboleedka IGAD oo uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in ay Soomaaliya ku guuleysato.

Xilka Xoghaya Urur Goboleedka IGAD waxaa Soomaaliya u sharraxan Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar,iyada oo uu hadda Madaxweyne Farmaajo rajo wanaagsan ka muujiyay arrintaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda codad ka raadineysa wadamada qeybta ka ah Ururkaan si ay ugu ogolaadaan ama codka u siiyaan Wasiirka hore ee Arrimaha dibada Soomaaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar oo xilkaasi u sharxan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT