Maamulka Hirshabeelle oo Guddoomiye u magacaabay degmo oo dhawaan ka baxday gacanta Al-Shabaab

Wasiirka arrimaha Gudaha ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gamboole oo horay maamulka ugu magacaabay inay degmo noqoto.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo ku taariikheysan 9 bishan oo shalay ku beegneyd ayaa Guddoomiye loogu magacaabay degmada Gamboole Cali Cusmaan Mahdi.

Magacaabida Guddoomiyaha cusub ee Gamboole ayaa ku soo aaday, iyadoo saaka Ciidamada Kumaandooska ee Danab ay la wareegeen Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Jowhar.

Gamboole ayaa saldhig u aheyd Al-Shabaab, waxaana ka furnaa Maxkamad looga yeeri jiray Ganacsatada iyo dadka isku heysta dacwadaha 33 ku sugan Jowhar iyo nawaaxigiisa.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT