Dowladda Federaalka Soomaaliya maka eryi doontaa Imaaraadka Carabta?

Warar si hoose aan u helnay ayaan ku oganay qorshe aad u adag islamarkaana ku aadan in DFS ay dooneyso markaan in gabi ahaanba dalka ay ka eriso dowladda Imaaraadka Carabta.

Golaha wasiirada xukuumadda Kheyre ayaa diyaarinaya qaraar ku aadan in dalka laga saaro safiirka Imaaraadka ee ku sugan magaalada Muqdisho, sidoo kalena loogu yeero safiirka Soomaaliya dalkaasi u jooga.

Baarlmaanka oo furmaya ayaa sidoo kale la doonayaa inuu go’aan kama dambeys ah ka qaato isna arrinta dowladda Imaaraadka carabta oo meel xasaasi ah taagan.

Imaaraadka ayaa markaan u muuqda mid bannaanka soo dhigay cadowtinimada uu u qabo Soomaaliya, isaga oo sidoo kale muujiyey waxyaabo badan oo wax u dhimaya midnimada umadda Soomaaliyeed.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT