DEG DEG:- Sharciga Ganacsiga oo BF Soomaaliya oo la horgeynayo & 10-Xildhibaan oo jooga dal kale arrintaas

Sharcigan ganacsiga ayaa muhiim u ah hanaqaadka wasaaradda ganacsiga soomaaliya, ayadoona waqti xaadirkan xubno katirsan wasaaradda ganacsiga iyo xildhbaano ka socdo guddiga ganacsiga baarlamaanka soomaaliya, ay kulamo kula qaadanayaan madax kakala socoto shirkada kala duwan.

Mohamud Abdirahman Benebene oo ah madaxa gudiga u qaabilsan baarlamaanka soomaaliya ganacsiga, ayaa sheegay in ay wadaan hanaankii ugu dambeeyay ay ku dhamaystirayaan sharciga ganacsiga.

Waxaan ka koobannahay illaa iyo 10 xildhibaan oo ka socdo guddiga Baarlamaanka u qaabilsan ganacsiga kuwaas oo Nairobi u joogi doona siminaar laba maalin ah, si doodo iyo falanqayn aan ugu sameyno sharciga ganacsiga ka hor inta aanan la hor geynin Baarlamaanka, ayuu yiri Benebene oo ah madaxa gudiga u qaabilsan baarlamaanka soomaaliya ganacsiga.

Xubnaha ka socda wasaaradda ganacsiga iyo baarlamaanka ayaa inta ay joogaan Nairobi waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan, Qubaro caan ku ah dhanka sharciga kuwaas oo talooyin ka siin doona sharciga ganacsiga.

Mohamud Abdirahman Benebene oo ah madaxa gudiga u qaabilsan baarlamaanka soomaaliya ganacsiga ayaa hoosta ka xariiqay in sharcigan uu xoojin doono hanaanka dowladda wanaaga soomaaliya iyo waliba sidii ay maalgashi caalami ah u soomaaliya ugu samayn san lahaayeen shirkadaha shisheeye.

Sharcigan ayaa bishii la soo dhaafay waxaa meel mariyay golaha wasiirada soomaaliya, ayadoona sidoo kale lafilayo in dhawaantan la horgeeyo golaha baarlamaanka soomaaliya.

In kabadan 20 sano oo ay soomaaliya ku jirtay dagaalo sokeeye, ayaa waxa ay sanooyinkii ugu dambeeyay waday hanaan ay dib ugu dhisanayso hay’adaheeda dowlaiga ah.

Soomaaliya haatan waxaa ka hawl gala shirkado farabadan kuwaas oo badankood hoostaga dowladda turkiga oo ay xiriir dhaw lee yihiin tan soomaaliya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT