AMISOM oo ogaatay xeelada dilalka Qorsheysan Al-Shabaab ka geystaan magaaladaMuqdisho & sidii looga hortigi………

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho tabababar la xiriira isdhexgalka bulshada iyo Ciidamada milateriga u qabtay saraakiil ka kala socotay Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Col Naboth Mwesigwa oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa munaasabididi lagu soo xirayay tababarkaasi ka sheegay in isdhex galka dadka rayid ah iyo Ciidamada milateriga ay tahay mid faa’iido weyn u ah shacabka iyo weliba Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wuxuuna intaasi ku daray in ay xoojin doonaan sidii is fahmi wanaagsan u dhex mari lahaa rayidka iyo Ciidamada milateriga

Howlgalka AMISOM ayaa sidoo kale doonayaa in Ciidamadooda ay door weyn ku yeesheen dhinaca arrimaha Bani;aadinimada,iyadoo Ciidamada ay howlo gurmad u sameeyeen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan goobaha ay colaadaha ka jiraan.

Col Mweigwa ayaa xusay in u jeedka ugu weyn ee AMISOM ay tahay sidii ay shacabka ugu heli lahaayeen taageera ku aadan la dagaalanka Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya.

Howlgalka AMISOM ayaa hore tacadiyo ka dhan ah dhinaca aadanaha ka geystay Soomaaliya, iyadoo Ciidamada Midowga Afrika ay koofurta Soomaaliya ku dileen dad shacab aan waxba galabsan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT