DEG DEG:- Dadka Muslimiinta Sri Lanka oo laga cabsi qabo in la xasuuqo

Dhibaatada lagu hayo muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalka Sri Lanka ayaa sii kordheysa inkastoo xukuumada dalkaas ay dadaal badan wado.

Weerar lagu qaday masaajid ku yaala magaalada Kuruwita xili habeen ah ayaa cabsi geliyay muslimiinta, laakiin boqolaal boolis ah iyo ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa gaaray deegaanka uu falkaas ka dhacay.

Saraakiisha Booliska ah ayaa diiday iney saxaafada la hadlaan, laakiin wakaalada wararka ee Turkey ayaa sheegeysa in weli ay jirto cabsi laga qabo in bartilmaameedka muslimiinta dalkaas uu sii kordho.

Cabsida ugu badan ayaa ah in la bartilmaameedsado goobaha ganacsiga iyo kuwa cibaadada ee muslimiinta Sri Lanka.

Hal qof ayaa dhintay ilaa sedex kale oo askar boolis ahna dhaawac ayaa soo gaaray qarax ka dhacay deegaankaas, laakiin sargaal boolis ah ayaa sheegay in dhowr qof falkaas lo xiray

“Ilaa haatan 85 qof ayaa falkaas loo xiray, waxaana uu ahaa mid aan wanaagsaneyn,” sargaalka booliska ah ayaa sidaas sheegay.

Sedex maalin oo ay dhibaato xoogan ka socoto deegaanka Kandy ayaa sababat in guryo ka badan 200,goobo ganacsi iyo gaadiid la bur buriyo,.

Dowlada ayaa mamnuucday isticmaalka baraha bulshada sida Facebook, Viber iyo WhatsApp kuwaas oo ka qeyb qaadan kara in la isku aruursado dhibaateynta muslimiinta.

Wasiirka Ganacsiga dalkaas Rishad Bathiudeen ayaa wakaalada wararka Anadolu Agency u sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dowladu talaabo u qaadi donto si muslimiinta loo bad baadiyo.

Tan iyo bishii November ee sanadkii 2017-da waxaa jiray weeraro lagu bartimaameedsaday muslimiinta laga tira badan yahay oo ka dhacay gobolka — Koofurta, Bariga iyo bartamaha.

Ku dhawaad 75 boqolkiiba dadka Sri Lankans ayaa haysta diinta Singaha loo yaqaan halka 13 boqolkiiba ay Tamils yihiin, muslimiinta ayaana dalkaas ka ah 13 boqolkiiba, waxaana tirada dadka jasiiradaas ku nool lagu sheegaa 22 million oo qof.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT