Maxay tahay sabab Mareykanka Uu Hubkii ugu Casrisanaa ka Iibiyay dalka Qatar?

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ansixisay wadar ahaan $ 467 milyan oo ay hub casri ah uga iibineyso dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar, sida uu sheegay Pentagon-da Khamiistii.

Warbixinta, Hay’adda Iskaashiga Amniga Difaaca Mareykanka, oo ka shaqeysa Pentagon, ayaa sheegtay in Imaaraadka laga aqbalay in laga iibiyo hub qiimihiisu ku kacayo $ 270.4 milyan oo ku jiraan 300 oo gantaalo halis ah, gantaalada tababarka iyo unugyo kale oo tikniko ah.

“Heshiiskan soo iibsiga ah waxaa uu Imaaraadka ka hormarin doonaa awooda militeri ee haatan iyo mustaqbaka si ay uga hortagaan cabsida u imaan karta, waxaana sidoo kale hormarineynaa awooda ciidan ee dhanka hawada,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Imaaraadka, isaga oo intaa ku daray in Imaaraadku ay adeegsan doonto awoodda kor loogu qaado xoojinta amaana iyo difaaca dalkooda.

Mareykanka ayaa sheegay in hubkan ay ka iibiyeen Imaaeaadka uu yahay mid taageeri doono siyaasadda dibadda iyo himilooyinka amniga qaranka ee Maraykanka iyadoo gacan ka geysaneysa sidii loo hagaajin lahaa ammaanka “wadamada saaxiibada ah”.

Sidoo kale, dowlada Qatar ayaa loo ansixiyay qalab militeri oo ku kacaya lacag dhan 197 Milyan oo Dollar kaas oo lagu hormarinayo awooda militeri ee dhanka cirka gaar ahaan Qatar Emiri Air Force.

Qatar ayaa loo ogolaaday iney iibsato qalabka caalamiga ah ee nidaamka dejinta iyo nidaamyada wargelinta macluumaadka, ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay Mareykanka.

Aqalka Congresska Mareykanka ayaa laga sugayaa iney ansixiyaan qiimaha lacageed ee kala iibsiga hubkaas ku baxaya.

Mareykanka ayaa saaxiib dhow la kala ah dalalka Carabta, kuwaas oo isku dhacsan gaar ahaan Imaaraadka oo ku jira xulifada Sacuudiga iyo Qatar.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT