Wax badan ka gow sababta ay Ciidamada DF isugu dhiibaan Al-Shabaab+SIR CULUS

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in Tobaneeyo kamid ah Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay iska dhiibeen Goboladda Jubbooyinka iyo Gedo.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsanaa ayaa isku dhiibay Maamulada Xarakada Al-Shabaab taabacsan,waxayna ku tilmaameen Al-Shabaab in Arrintaan dib u dhac weyn ku tahay Dowladda oo ay dagaal kula jiraan.

Magaalada Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa lagusoo bandhiga 6 askari oo kasoo goostay magaalooyinka Garbahaarey iyo Baardheere,askarta oo wata hubkii ay ku dagaallamayeen ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhibsadeen la shaqeynta ciidamada Itoobiya,sida warka shabaab lagu sheegay.

Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe iyana waxaa lagusoo bandhigay ciidamo kasoo goostay magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buula Guduud, Al Shabaab ayaa dhowr dirtay baaqyo ku socda Ciidamada Dowladda.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT