Maxaad ka ogtahay Mashruuca ku kacaya 50-ka Milyan ee waddanka Jarmalka ka furay Muqdisho?

Munaasabaddani oo ahayd mid lagu daah-furayay mashruuc socon doona 3-da Sano ee soo socota oo ay maalgalineyso dowladda Jarlmalka, looguna talagay sidii lagu taageeri lahaa bulshada ku dhaqan gobollada Baanadir iyo Gedo ayaa maanta lagu qabtay M/ Muqdisho.

Mashruucani oo ay iska kaashanayaan fulintiisa hay’adaha UNICE iyo WFP ayaa waxaa maalgalgaliyay dowladda Jarmalka, kaas oo ay ku baxeyso Lacag gaareysa $50 Milion oo Dollar.

Lacagtani ayaa loo kala qeybin doonaa hay’adaha UNICEF iyo WfP, si ay u gaarsiiyaan dadka cuna la’aanta iyo nafaqa daradu ku hayso gobolladaasi.

Safiirka Jarmalka u fadhisa Soomaaliya Ambassador Jutta Frasch ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la sameeyo qorshe fog oo looga hortagayo abaaraha soo noq noqda ee ka taagan Soomaaliya..

In ka badan 200,000 oo kun oo Caruur ah ayaa laga cabsi qabaa in nafaqa daro ay waxyeeleyso 12-ka bilood ee soo socda, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT