Farmaajo oo shir aan caadi aheyn la qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Maamulka Gobolka Banaadir, Ujeedada kulanka oo aan Warbaahinta wali lala wadaagin ayaa Wararku waxay sheegayaan in laga arrinsaday arrin quseeya Mustaqbalka Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Cabdi Raxmaan Cusmaan Yariisoow iyo ku xigeenadiisa oo ay wehlinayaan Gudoomiye yaasha 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Gobolka Banadir Maxamed Cabdi Sabriye ayaa sidoo kale kulanka ka qayb galay waxaana kulanka Dinacyaddu ay yeesheen uu qaatay muddo saacado ah.

Xubno ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegay in aad looga hadlay Amniga Gobolka Banaadir.

Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa Maalmihii lasoo dhafay waxaa uu kulamo la qadanayay Masuuliyiinta Dhinaca Amniga ee Doowladda Soomaaliya.

Ujeedada kulanka waxaa waji kale u yeelay ka qayb galka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaali Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana Wararka qaar sheegayaan in la wado qorshe ku aadan in Xilka laga qaadi doono Gudoomniye yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Halka Wararka qaarna ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ay Masuuliyiinta Degmooyinka ku qanciyeen in ay Shaqadooda adkeestaan oo aan Xilka laga qaadi doonin.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT