M/weynaha Waare oo ka tacsiyeeyay mas’uuliyiintii Qaraxa lagu dilay ee Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

M/weynaha Dowlad Goboleeeka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Baraf oo labaduba Qarax lagula eegtay duleedka Garoonka Bali-doogle ku geeriyooday.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ku hadlaya Afka Golayaasha Hirshabeelle ayaa tacsi u diray Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Hirshabeelle, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, Baarlamaanka, iyo qoysaskii ay Ka ka baxeen marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax iyo Marxuum Xildhibaan Baraf oo Ka mid ahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“’’Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun, aad baan uga naxay marka aan maqlay Dhimashada Xildhibaan Kabaweyne, waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabweyne ayaa waxaa uu baarlamanka Hirsheelle ku soo biirey dabayaaqadii sanadkii 2016 xiligaasi oo la unkay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT