08-da Maarso:- Maalinta Haween Weynaha Adduunka

 

Boggan Halsheeg.COM ayaa hambalyo u diraya Haween Weynaha adduunka gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed, Munaasabada 08da- Maarso awgeed.

Iyada oo ay maanta tahay maalinta Haween weynaha adduunka ayaa haddana aan ognahay in Haweenka Soomaaliyeed ay ka duwanyihiin Haweenka kale ee Caalamka waayo waxay soo mareen wakhti dheer oo ay ku jireen burbur iyo Dawlad la,aan, iyagoo soo marey Dagaalo badan oo dhiig sokeeye ku daatey.
Dagaaladaa oo dhaxalsiiyey in haween badan ay raggoodii waayeen, kuwaas oo qaadey asaay loogana tagey Agoon badan.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa xilliyadaas adag ee la soo marey, waxay dhabarka u riteen noloshii qoyska waxayna qaadeen Masuuliyadii Aabayaal badan Saarneyd, oo xilligaa aan waxba hayn , meel ay u shaqo tagaan aysan jirin.
Waxayna Haweenku u guntadeen sidii ay u maareyn lahaayeen nolosha qoyska.
Haweenka ayaa nolol maalmeedka ka soosaari jirey ganacsiyo yar-yar sida gadida Khudaarta, Dharka Hudheyda, Jaadka IWM.
Hawshaas adag ee ay dibada ka soo qabtaan ka sakoow ayaa ay haddana daboolayeen howshii Guriga marka ay shaqada ka yimaadaan.

Nasro Cismaan Maxamed oo ah Hooyo Soomaaliyeed ayaa sheegtay in xilligii adkaa ee la soo marey ay Hooyooyinka Soomaaliyeed Badbaadiyeen qoysas badan oo la,aantood ay noloshoodu halis gali lahayd, waxayna intaa ku dartey in haweenka Soomaaliyeed ay mar walba u taagnaayeen badbaadinta dadkooda iyo dalkoodaba, iyada oo xustey halgankii xoriyada in ay u hureen naftooda iyo Maalkooda.
“Wey u dhinteen sida Xaawo Cismaan, (Xaawo Taako) waxayna u gadeen Dahabkoodii iyo hantidoodii kale”.

Sidoo kale ayey Sheegtey in hooyadu ay tahay lafdhabarta bulshada, iyada oo tilmaantey in ay mar walba u taaganyihiin Samata bixinta Ummadda Soomaaliyeed.

Naso Cismaan Maxamed ayaa ugu danbeyn ka Codsatey Madaxda Dowlada Fadaralka in Tixgelin la siiyo Haweenka Soomaaliyeed islamarkaana ay helaan Xaquuqda iyo Saamiga ay Xaqa u leeyihiin, maadama ay haweenku ahaayeen kuwa uu ku dhacay Miisaanka ugu Cuslaa dhibaatadii uu dalku soo marey.

8da Maarso ayaa meelo badan oo dalka ah laga Xusey taas oo ku tusinaysa Niyad Wanaaga Haweenka Soomaaliyeed ee Maanta iyada oo xilliyada qaar aan la xusi jirin dhibaatada dalka ka jirtey awgeed sidoo kalana aan loo samayn jirin wax Munaasabad ah.

W/D:- Mohamed Farah Duurgal

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT