Wasiir Oomaar oo amar adag dul dhigay shirkadaha Duulimaadyada ee Garoonka magaala Muqdisho

Wasiirka Duulista iyo Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Salaad Oomaar oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa soo saaray amaro ku saabsan Shirkadaha Duulimaadka ee ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa sheegay rakaabka Diyaaradaha ka raacaya Garoonka in looga baahan yahay Saddex saac kahor in ay xaadir ku ahaadaan Afaafka Garoonka, wuxuuna shirkadaha Duulimaadka ku amray in aysan qolo kale ka kireyn Karin Diyaarad rakaab ay sugayaan.

“Shacabka waa in ay xaadir ku ahaadaan irida Garoonka Saddex saacx duulimaadkooda, sidoo kale uma dulqadan doono Diyaarad rakaab ay sugayaan in qolo kale laga kireeyo, dadkii kalena la iska daadiyo.” Ayuu yiri Wasiirka Duulista.

Sidoo kale Wasiir Oomaar ayaa shirkadaha Duulimaadka faray in ay bilkasta soo gudbiyaan Jadwalka Duulimaadkooda, cidii isbedel uu ku yimaadana jadwalkeeda looga baahan yahay in ay soo wargeliso mudo aan ka yareyn Tododbo cisho kahor, hadii kalena uu qaban doono talaabo.

Wasiirka ayaa yiri “Diyaaradaha ku xadgudba inta aan soo sheegnay waxa ay la kulmi doonaan ganaaxyadan kala ah marka koowaad 2,000 oo Dollar, marka labaad 2,000 oo Dollar iyo 7 cisho oo shaqo ka fariisin ah iyo marka Saddexaad oo ah in ruqsada shaqada lagala laaban doono.”

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT