SAWIRO:- 13-Dhalinyaro oo tahriibayaal Soomaaliyeed oo laga soo celiyay Liibiya oo maanta soo gaaray Muqdisho

Ku dhawaad 13-Dhalinyaro oo laga soo celiyay dalka Liibiya ayaa maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,waxaan dhalinyaradaan wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo siday ugu soo hiloobeen dhulkooda hooyo.

Dhalinyaradaan ayaa waxaa u fududeysay inay dalkooda ku soo laabtaan dowladda Federalka Somaliya, kadib markii Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya Ambassador Cali Siciid Fiqi dowladda ay u xil saartay arrintaan.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay maxaabiistaan ku soo dhaweeyeen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT