Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
Maxaa keenay shakiga Guddiga Doorasho uu Magacaabay Kheyre, Maxaase ugu Muhiimsan Shirka ? | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> Maxaa keenay shakiga Guddiga Doorasho uu Magacaabay Kheyre, Maxaase ugu Muhiimsan Shirka ? | Hal Sheegaha La Hubo

Maxaa keenay shakiga Guddiga Doorasho uu Magacaabay Kheyre, Maxaase ugu Muhiimsan Shirka ?

Guddi farsamo oo ka kooban 10 xubnood oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shir uga socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ay uga hadlayaan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2020.

Guddigan oo horay lagu go’aamiyay Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee bishii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa xubno ka ah maamul goboleedyada, Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Gobolka Banaadir.

Arrimaha ugu waa weyn ee Guddigan farsamo ka shirayaan uu yahay sidii ay uga soo tala bixin lahaayeen nooca doorasho ee dalka galayo marka la gaaro sanadka 2020-ka iyo deegaanada ay ka dhaceyso, waxaana marka ay isku soo raacaan aragtida la qaadanayo la filayaa inay hor-geeyaan shirka golaha Amniga Qaranka ee dhamaadka bishan ka dhici doona magaalada Baydhabo.

Xubnaha Guddiga ku jira ayaa waxaa ka mid ah La Taliyeyaasha iyo howl wadeenada Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo doorka ugu weyn leh.

Ilo ku dhow dhow kulankan ayaa xaqiijiyay in dhowr aragti oo ku aadan nooca doorasho la soo bandhigay, sida Axsaabta siyaasadda oo kuraastooda ay beeleysan tahay iyo aragtiyo kale oo ka mid ah nidaamka 4.5 oo wax laga bedelay.

Xaalado kala duwan ayaa ku wareegsan magacaabida Guddigan iyo tuhuno ka soo baxaya howshooda, maadaama aysan wax door ah ku laheyn Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran oo ka mid ah waajibaadkooda howlaha doorasho ee dalka ka dhacaya.

Sidoo kale waxaa su’aalo laga keenay qaabka magacaabida Guddigan iyo sida loo soo xulay, waxaana xubin ku laheyn Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Waxaa kaloo dood kale la gelinayaa in shirkan oo looga hadlayo arrimaha doorashada lagu qabto dalka dibaddiisa, bacdamaa shirarkii hore ee doorashadii 2016 ay ahaayeen kuwo dalka gudihiisa lagu qabanayay, sida xarumaha maamul goboleedyada.

Howsha Guddigan wado ayaa ka muuqata sida Baarlamaanka durbaba sanadkii koowaad howl gab looga dhigay, isla markaana aanu wax door ah ku laheyn arrimaha go’aan ka gaarista doorashooyinka 2020 iyo go’aamadii ay gaareen Golaha Amniga Qaranka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT