Guddoomiya G/Banaadir oo ku dhow in hal arrin darteed Hay’adaha samafalka uga ceyriyo Muqdisho

Guddoomiyaha G/Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku dhaliilay hay’adaha Samafalka ee ka howlgala magaalada Muqdisho wada shaqeyn la’aan.

Waxaana uu sheegay in uu jiro is bar baar yaac ka dhex jira hay’adaha Gargaarka, balse loo baahan yahay in ay u midoobaan Caawinta dadka danta barakacayaasha ee ku nool magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa tilmaamay in ka maamul ahaa ay la shaqeyn doonaan hay’adahaasi, si Gargaar loo gaarsiiyo dadka danta yare ee ku dhibaateysan gobolka Banaadir.

Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa inta badan loo aqoonsaneyn iney si siman wax ugu qabtaan dadka dhibaateysan,balse ay gacan bidxeeyaan Arrimaha gargaarka.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT