DHAGEYSO:- Amar lagu saarayo Ciidamada Itoobiya & Safiirka Imaaradka carabta oo la gudbiyay

Qaar ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka dalbaday dowladda in ay go’aan ka qaadato Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo ah Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka khuseynin heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Sidoo kale Shirkadda DP World ee dekedda Berbera, ka dib markii dowladda Soomaaliya ay heshiiskaasi ku tilmaamtay Sharci daro.

Shacabka waxa ay sheegeen in Shirkaddaasi ay ku xadgudubtay Madaxbanaanida Soomaaliya.

Qaar ka mid ah shacabka oo hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney dalka ka saarto Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,islamarkaana amarto in Ciidamada Itoobiya ee jooga dalka si deg deg ah uga baxaan.

Muran badan ayaa ka taagan Heshiiskii seddex geesoodka ah ee ay wada galeen Maamulk Somaliland,shirkadda Dp World iyo Dowladda Itoobiya.

Halkaan Ka Dhageyso Codka:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT