DEG DEG:- Xildhibaanada BFS oo maaro looga la’yahay Mooshin & Jawaari oo ka hadlay Sababta

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyaha Golaha Shacabka oo galabtii Isniintii dood ay warbaahinta dowladda qabatay ka hadlayey ayaa sheegay in baarlamaanku uu xoogga saarayo arrimaha la xiriira dhammeystirka Dastuurka, Xisbiyada, Sharciga Doorashooyinka, Dhismaha Golaha Sare ee Garsoorka, isaga oo intaasi raaciyay in golahan qaybna siyaasad tahay, qaybna farsamo, isla markaana uu ka socon la’yahay go’aannada siyaasadeed.

Guddoomiye Jawaari oo mar soo hadal qaaday Arrinta mooshinka ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uusan joojineyn mooshin,islamarkaana muhiimada loo soo jeedinayo ay tahay sidii wax loo toosin lahaa.

Arrinta Mooshinnada waxaa uu Jawaari sheegay in soo-jeedinta (Moshin) ay weligeed jireyso, kana mid tahay shaqada Xildhibaanka, laakiin arrinta kala-dirista xukuumadda waxaa uu qabaa in haddii shaqo xumo jirto la cayrinayo si beddel fiican loo helo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markasta oo ay dareemaan xoogaa jeen yari (Lacag la’aan), waxay abaabulaan mooshin xil ka qaadis ah oo markii danbe u dhamaada lacag bixin iyo kala fur furis.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT