Dalal Afrikaan ah oo mabnuucay Hilib sumeysan oo lagu farsameeyey Koonfur Afrika

Dalalka kala ah Namibia, Zambia Iyo Bostwana ayaa hakiyay hilibkii ay kasoo dhoofsan jireen waddanka Koonfur Afrika.

Maalinkii Axadda ayeey ahayd markii cudur uu ka dillaacay dalka Koonfur Afrika, kaaso laga helay hilibka la warshadeeyay ee dalkaasi uu soo saaro.

Dowladda Malawi ayaa ka codsatay ganacsatada inay dukaamada iyo goobahooda ganacsi ay ka saaraan hilibka laga keeno dalka Koonfur Afrika oo aysan isticmaalin.

Sidaasi si la mid ah ayaa waxaa sameynaya bakhaarada hilibka lagu iibiyo ee dalka Koonfur Afrika.

Cudurkan loo yaqaano Listeria ayaa ah mid laga qaado bakteriyada hilibka ayaa 180 qof ku dilay dalka Koonfur Afrika sannadkii tagey.

Ha’yadda qaramada midoobey ayaa waxaa ay sheegtay inay rumaysan tahay in cudurkani uu yahay caabuqa ugu wayn ee dunida oo idil ka dillaacay.

Wasaaradda beeraha ee dalka Mozambique ayaa tiri “waxa aan weeydiisanaynaa dhammaan mulkiilayaasha iyo shirkadaha in badeecadan ay ka guraan iskafaalooyinka dukaamada sababtuna tahay halista ay caafimaadka u keeni karaan”.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT