C/raxman C/Shakur oo Xog xasaasi ah ka Bixiyay Heshiiska Dekada Berbera & Tabaryarida DF Soomaaliya

Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa kahadlay muranka dowladda Federaalka ah iyo sharikadda DPWorld u dhaxeeya.

C/Raxmaan Qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa ku sheegay in dowladda ay ka gaabisay ka falcelinta arrintan,isaga oo dhinaca kale sheegay in horumarinta degaannada Somaliland heshiis horay loogu gaaray.

Waxaa uu dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka ugu baaqay in ay xormeeyaan madaxbanaanida Soomaaliya,isaga oo dowladda Federaalka ahna u sheegay in iyada lagala xisaabtamayo waxa socda.

Qoraalka C/Raxmaan ayaa qoran sidan.

Heshiiska sedex geesood ka ah ee DP world, Ethiopia iyo Somaliland wuxuu abuuray walwal iyo walaac xoog leh, wuxuuna dhaliyey dood culus. Dhowr qodob ayaa mudan in hoosta laga xariiqo

1- Dawlada Soomaaliyeed ayaa masuul ka ah Madaxbanaanida iyo ilaalinta midnimada dhulka Soomaaliya. Dawladu waa kafiilka xaga damaanadda, (collateral), iyo shakshiga qaanuuniga ah (Legal personality) ee heshiisyada caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay in ay tahay cida beri loo raacanayo gaabiska, fulin la’aanta, ka bixista iyo burinta heshiiska heer caalami, maadaama aan Somaliland dunidu aqoonsanayn.

2- Ma aha in la hor istaago horumarka Somaliland Dawlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa horay ugu heshiiye the Somali Combat oo New Deal kii lagu saxiixay Brussels 2013 in macaamil gaar ah la siiyo mashaariicda horumarinta Somaliland (The Somaliland Special Arrangement).

3- Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya waa in ay ilaaliyaan xeerarka Caalamiga iyo Axdiga Qaramada Midoobay u yaala ee dhigaya in la ixtiraamo madaxbanaanida Qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhulkiisa, mana jirto cid laga yeelayo ama looga haybaysanayo xadgudubka Qaranimada Soomaaliya.

4- Horay ayaa mashruuc kan la mid ah Gobolka hirgelintiisa looga bilaabay, The Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (LAPSSET). Waxaa shirko ku ahaa Dawladaha Kenya, Suudaanta Koonfureed, Uganda, Iyo Itoobiya. Mashruuca ayaa isugu jiray Dekado, dhuumo shidaal, wadooyin, iyo jidad tareeno. Mashruucan oo balaayiin dollar ku kacaya ayey dawlada Kenya saamiyadiisa u furtay dawladaha ka qayb gelaya iyo shirkada gaarka loo leeyahay ee gudaha Kenya iyo Dibadiisaba. Sidaas daraadeed waa laga maarmaam in saamiga maalgashiga uu ku ekaado maamulka, koontaroolka iyo faa’iidada mashruuca, laakiin la xaqiijiyo milkiyada iyo lahaanshaha dadka Iyo dawlada Soomaaliya.

5- Dekedaha, Saldhigyada Milateri iyo Shidaal Raadinta ee Soomaaliya laga doonayo waxay qayb ka yihiin loolanka Joqraafi Siyaasadeed (Geopolitics) ee Gobolka ka socda. Dawlada Soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay ilaaliso madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya, dhowrtana danta shacabka iyo maslaxada dalka, maareysana danaha is diidan ee shisheeyaha dalkeena ka leeyihiin.

Waxaan ognahay in Gudoonka Baarlamaanka uu 10 bilood ka hor Madaxweynaha u qoray in uu cadayn ka bixiyo arrimahan iyo kuwo la mid ah, weli kama uu soo jawaabin, waxaa kaloo shaki abuuray isku soo beeganka maalintii uu Raysalwasaaruhu bartiisa Twitte soo dhigaygay in uu la kulmay dhaxal sugaha Wadanka Imaaraadka Sheekh Maxamad Bin Zayid oo ahayd 1da Maarso iyo maalinta la sii daayey warsaxaafadeedka saxiixa heshiiska.

Hogaanka Dawlada gaar ahaan madaxweynaha waa in uu cadeeyaa mowqifkiisa arrimahan ku aadan. Aamusnaan xal maaha, xalaalna barqo ayaa la qashaa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT