Yuu ahaa ninkii fuliyey Weerarkii lagu qaaday Saldhigga Imaaraadka Ee Afgooye?

Ururuka Al­Shabaab ayaa baahisay magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo ninkii naftii haligaha ahaa ee Jimcadii lasoo dhaafay isku qarxiyey saldhig melleteri oo dowladda Imaaraatka carabta ay ka dhistay duleedka Muqdisho.

Weerarkan oo dhacay waxyar ka hor inta aanan la gaarin salaadda jimcaha ayaa lagu beegsaday Ciidamo ka tirsan dowladda ee uu soo tababaray Imaaraatka Carabta.

Howlgalkan waxaa fuliyey Aadan Cali Ukumey oo sidoo kale loo yaqaano (Qalinle iyo Baariyow) kana dhashay Beesha Hubeyr gaar ahaan reer Wanjele.

Wuxuu ahaa naftii halige 26 jir ah oo ku dhashay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Wareysi laga duubay ka hor intii uusan weerarka gelin ayuu uga sheekeeyee waxa ku riixay in uu weerar naf hurnimo ku qaado ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT