Maxay Tahay Xogta Laga Bixiyay Sababihii Loo Xiray Waddooyinka Magaalada Muqdisho?

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shir jaraa’id u qabtay ayaa ka hadlay sababihii loo xiray qaar kamid ah Waddooyinka Muqdisho.

Waxa uu Gudoomiyaha gobolka ka raali galiyay shacabka Muqdisho maalmihii koobnaa ee la xiray Wadooyinka qaar, waxa uuna sheegay in ciidamada amaanka ka hortageen falal amaan daro oo dhibaato ku keeni karay shacabka Muqdisho.

“Shacabka ku nool Caasimadda waxaan uga cudur-daaranaynaa maalmihii koobnaa ee sababo la xiriira amniga u xirnaayeen qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, “Waqtigii ay xirnaayeen waddooyinku waxaa laga hortagay falal abaabulan oo kooxaha argagixisadu la doonayeen shacabkeena, sugitaanka amnigu waa masuuliyad weyn oo lagu bad-baadinayo nafta iyo maalka bulshadeenna” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa malamihii lasoo dhaafay xireen ciidamada amaanka, waxaana dadka ku adkeyd in gaadiid ugu kala gudbaan qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT