Hirshabeelle oo Hub ay dhaceen Al-Shabaab ku wareejisay AMISOM

Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Saraakiisha Ciidamada Amisom ee Ka hawlgala Gobolka Shabellaha Dhexe ku wareejiyay hub ciidamada Amisom ay lahaayeen oo Shabaab looga soo furtay dagaalkii Balcad.

Hubkaan ayaa waxaa soo furtay ciidamada Xoogga dalka Somaliya iyo ciidanka Booliska Maamulka Hirshabelle, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamada.

Hubka ayaa waxaa lagu wareejiyay Sarkaalka Amisom ugu sareeya Shabellaha Dhexe, waxaana ay ka mahadceliyeen sida geesinimada leh ay u caawiyeen Ciidamada Qalabka sida waxaana uu ammaanay wada shaqeynta madaxda Hirshabelle.

Hubkaan oo Shabaab kol hore ay ka qaateen ciidamada Amisom, ayaa waxaa suuragal noqotay in Jimcihii ciidamada Xoogga dalka Shabaab ay ka soo celiyaan, xilli dagaalkii Balcad lagu qabsaday.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sidoo kale tacsi u diray ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Burundi askartii looga dilay dagaalkii ka dhacay wadada Jowhar iyo Balcad u dhaxeysa.

Al Shabaab ayaa xilliyada ay weerarada ka gaystaan Magaalooyinka ay joogaan ciidamada Amisom iyo kuwa Xoogga dalka Somaliya, waxa ay deeganadaasi ka qaataan hubka ciidamada ay haystaan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT