Heshiiska Kheyre Iyo Jawaari oo Dhabar jab ku ah Mooshinka ay wadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa faa’iido weyn u arkay Khilaaf mudo soo socday o u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hada la sheegayaa in la xaliyay Khilaafkaasi, taasi oo dhalin karta inay u midoobaan xildhibaanada Mooshinka wada.

Khilaafka oo taagnaa muddo ku dhow afar bil ayaa waxaa la xaqiijiyay in dadaalka lagu xaliyay ay iska kaashteen Madaxweynaha dalka Farmaajo iyo Xildhibaano ku dhow dhow laba mas’uul.

Khilaafka ayaa la sheegay xalintiisa in looga maarmi waayay qaboojinta Mooshino iyo Kacdoon Siyaasadeed oo ay wadaan Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan baarlamaanka waxaana saacadihii ugu danbeeyay lagu guuleystay xal u helida khilaafka Kheyre iyo Jawaari.

Illo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inoo xaqiijiyay in Khilaafka Gudoomiyaha iyo Ra’isul wasaaraha uu dhashay kadib markii Xasan Cali Kheyre si latashi la’aan ah u xaliyay dhibaatooyin taagnaa oo heerkooda gaarsiisanaa in la horgeeyo baarlamanaka Somalia.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Jawaari ayaa maalmahan si wada jira uga wada shaqeyn doona talaabo waliba oo lagu fashilinaayo Mooshinka ay maleegayaan qaar ka mid ah Xildhibaanada.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT