Dowladda Itoobiya oo Farmaajo & Kheyre ku cadaadineysa inay aqbalaan Heshiiskii DP World

Dowladda Itoobiya ayaa madaxda ugu sareysa dalka waxay ku cadaadineysaa sidii ay taageeri lahaayeen heshiiska ay shirka Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP WORLD la gashay Maamulka Somaliland ee ku aadan saamiga qeybsiga Dekadda Ber bera.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in sii hayaha Jagada Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailamariam Desegln uu khadka Taleefanka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo kana dhaadhiciyay inuu Aqbalo Heshiiska uuna taageero.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in madaxweynaha lagu amray xitaa haddii si cad go’aan u gaari Karin uu si hoose u fasaxo Heshiiska qoraal aan la shaacin oo aan la tusina warbaahintana uu u qoro Somaliland iyo Shirkadda DP World si howsha halkeeda uga sii socoto.

Dowladda Itoobiya ayaa u carareysa saamiga 19$ ay ku leedahay Dekadda Ber bera si uusan meesha uga bixin oo uga beeldarobin.

Heshiiska Shirkadda DP World,Somaliland iyo Itoobiya ayaa muran badan dhaliyay,waxaan arintaan si aad ah uga qeyliyay Umadda Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiintooda oo ku tilmaamay heshiis sharcidaro ah.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay heshiiskan ayaa sharcidaro ku tilmaamay,islamarkaana aan waxba xukuumadda lagala soo socodsiin.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT