Dadkii ku waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Soobe oo hada lasoo Bandhigay kadib markii…..

Guddiga gurmadka qaran ee musiibadii qaraxii Isgoyska Zoobe ayaa soo bandhigay tira koobka rasmiga ee ku aadan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii dhacay bishii October oo ay ku jiraan qaraxii isgoyska zoobe ee dhacay 14-kii bisha iyo qaraxii Hotelka Naasahablood 2 ee dhacay 28 October

Guddiga ayaa diiwaangeliyay waxyeeladii uu qaraxaas sababay, sida dadkii ku dhintay, dhaawacmay, iyo kuwii ku hanti beelay.

Munaasabad lagu soo afjaray howshii gurmadka ee ay guddiga soo wadeen ayaa xalay lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir, halkaasoo Guddiga ku soo bandhigeen deeqii ay heleen iyo dadkii la gaarsiiyay.

Macluumaadka Guddiga soo bandhigay ayaa muujineysa in tirada dadka dhintay ay gaartay 655 ruux, sida lagu diiwaan geliyay tirakoobka dadkii la taageeray.

Macluumaadka Guddiga Gurmadka soo bandhigay ayaa muujineysa in 1,547 ruux ay yihiin agoonta laga tagay ee waalidiintooda ku waayeen qaraxii Isgoyska Zoobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowgii hore khasaaraha ka dhashay qaraxii weynaa ee isgoyska Zoobe ku sheegtay in dhimashada ay gaareyso 358, halka dhaawacana gaarayo 228, waxaa lagu waayay qaraxaas 56 qof.

Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii bishii October ee sanadkii hore ayaa mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara caalamka

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT