C/kariin Guuleed oo si Cajiib ah ugu jawaabay hadalkii ka soo yeeray Madaxa Shirkadda DP World ee Imaaradka

C/kariin Xuseen Guuleed madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Dowladda Soomaaliya tallaabo cad ka qaato xadgudubka ay shirkadda DP World ku sameysay madax bannaanida Soomaaliya.

“Warka kasoo yeeray Maareeyaha Shirkadda DP World Suldan binu Saxiim ma aha wax loo dulqaadan karo, waana wax taabanaya midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed..” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo dowladda Soomaaliya u soo jiiday inay qaado tallaabooyin adag oo loogu jawaabayo Imaaraadka.

Wuxuu soo jeediyay in si degdeg ah loogu yeero safiirka UAE u fadhiya Soomaaliya si wax looga waydiiyo arinkaan cabasho rasmi ah loogu gudbiyo, iyo in rasmi ah loo joojiyo hawlaha shirkadda DP World ay ka wado Barbera iyo Boosaso ilaa cudurdaar rasmi ah laga bixiyo xadgudubka lana marsiiyo heshiisyada shirkadda habraaca sharciyeed ah ee dalka u yaala.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT