Xildhibaan sheegay in Farmaajo uu Ballanta kaga baxay ummadda Soomaaliyeed & Mooshin laga keenayo

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa Marka uu furmo kala fadhigooda in ay xukuumadda Soomaaliya ay kula xisaabtamaan Wadooyinka Muqdisho ee xiran.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay xukuumadda kula xisaabta midoonaan dhibaatooyinka heysta Shacabka Soomaaliyeed ee ah xirnaanshaha Wadooyinka.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu shacabka Soomaaliyeed uu kaga baxay balankii uu qaaday Shacabka ee ahaa in wadooyinka la xiri doonin.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay in ay ku fashilantay xaqiijinta Amniga Muqdisho, islamarkaana Wadooyinka oo la xiraa aan amni lagu sugikarin.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT