DAAWO:- Wax badan ka ogow Jabkii ku soo gaaray Ciidamada Midowga Afrika ee dagaalkii Balcad & Dhaawacyo Muqdisho la keenay

Ciidamadii AMISOM ee ku dhaawacmay weerarkii ay Alshabaab ku qaaday Kolonyo ay galbinayeen ciidamada AMISOM ayaa la geeyay Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo u dhashay dalka Brundi ayaa la dhigay Isbitaalka Heerka labaad ee AMISOM, magaalada Muqdisho, waxaana isbitaalka AMISOM ku ku booqday ku xigeenka madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

AMISOM ayaan shaacin ilaa iminka qasaaraha ciidamadooda kasoo gaaray weerarka oo ka dhacay Jimcihii duleedka degmada Balcad, dowladda Brundi ayaa sheegtay in shan askari looga dilay weerarkaasi.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT