Beelo ku dagaalamay Gobolka Galguduud oo heshiis hor dhac ah gaaray kadib markii ay….

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in heshiis hor dhac ah kala saxiixdeen labo beelood oo ka soo kala jeeda degmooyinka Cadaado iyo Caabud-Waaq oo ku dagaalamay deegaanka Balli Sokor.

Colaada labada Beelood ayaa waxaa ku soo baxay mas’uuliyiin uu horkacayoi madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, iyo xubno ka tirsan mas’uuliyiinta Galmudug, oo ay ka mid ahayeen Xildhibaanno, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale.

Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in in beelahaan walaalaha ah ay ka dhaxeysay diriritu ay isugu geeni doonaan miiska wadahadalka si loo dhameeyo waxyaabaha ay kala tabanayaan, ayna si nabad ah ay ugu wada noolaan lahaayeen.

Inta badan deegaannada dhulka Soomaalida ah ee Baadiyaha ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo kala duwan, waxaa ayna inta badan ay isku qabtaan dhulka daaqsinka ah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT