Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray Safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho & Su’aalo adag oo uu wajahayo

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa ugu baaqay Imaaraadka Carabta iney fara gelinta qaawan ay ku wado Soomaaliya ka joojiso.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay intaan hadda nahay ka tabar yar Imaaraadka u soo joognay waligeyn fara gelin,balse iyagu isku dadayaan iney in tabar yarida hadda Soomaaliya heysata ka faa’ideysaneyso.

Imaaraadka Carabta ayaa dooneysa iney la wareegto Dekadaha iyo ilaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee dalka.

Ugu danbeyn,Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya iney u yeerto safiirka Imaaraadka u fadhiya Xamar,islamarkaana weydiiso waxa lagu eedeynayo lana eego jawaabaha uu ka bixiyo.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT