Xildhibaanno Taageero u Ahaa Dowladda Oo Mucaarad Isku Bedalaya+SABAB?

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee beelamaanka Federaalka Soomaaliya, isamarkaana aad u taageersanaa dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda isku bedalaya kuwo mucaarad ah.

Xildhibaannada oo magac leh ayaa waxay horey u diidanaayeen in sanad gudaheeda ay dowladda degdeg ku mucaaradaan, hase ahaatee hadda bannaanka ayeey doonayaan iney yimaadaan.

Waxyaabaha ugu weyn ee dowladda ay ku haystaan waxaa kamid ah, amniga oo aan wax laga qaban iyo sidoo kale dhibaatada maalin walbo lagu hayo shacabka Muqdisho.

Hadda xildhibaannada aan xogta ku hayno ee mucaaradka noqonaya waa 21 mudane, axaana laga yaabaa tiro kale iney kusoo biiraan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT