Ururka Al-Shabaab oo Qaatay Qalabka Idaacad Caan ah Kadib Markii…….

Sidda ay xaqiijiyeen maamulka Idaacadda Radio Balcad ee ku taallay Magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe in Shabaab ay qaateen qalabkii ay ku shaqeynaysay Idaacaddaasi.

Agaasimaha Idaacadda Radio Balcad Cabdiraxmaan Cali Deeray ayaa sheegay in Shabaab ay shalay qaateen dhammaan qalabkii ay Idaacadaasi ku howlgalaysay ka dib markii Shabaab ay shalay gudaha u galeen degmada Balcad.

Deeray ayaa sidoo kale tilmaamay in dhammaan Shabaab ay qaateen qalabkii Idaacadda ay ku rararteen gaari.

Al-Shabaab ayaa shalay Saacado kooban la wareegay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana intii ay Magaalada ay ku sugnaayeen ay qaateen waxyaabo badan oo yaallay xarunta maamulka degmada Balcad.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT