Muqdisho oo gashay jawi cusub iyo ciidamo hubeysan oo meel walba daadsan+Cabsida Jirta Darteed

Amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamo isugu jira Boolis Hubeysan ladhigay Isgoysyada magaalada Muqdisho.

Waxaana magaalada loo kala qeybiyay labo dhinac,Waqooyi iyo Koonfur,Iyadoo aanay jirin gaadiid si nanabdoon isaga kala gooshaya.

Ciidamad Amaanka ayaa baaraya gaadiidka iyo dadweynaha gaar ahaan gaadiid yar yar ee dadka sida gaarka ah u adeegsanaya Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Waddooyin ku dhow madaxtooyada waxaa lagu arkayaa Ciidamada Koofi Gaduud oo si adag amaanka u sugaya,mararka qaar waxaa la maqlayaa rasaas teel teel ah oo Ciidamada si feejigan u ridayaan.

Waxaa jirta cabsi ah in Weeraro Qaraxyo ah magaalada ka dhacaan,waxaana taasi ay sababtay in maritaanka wadooyinka qaar ee magaalada adkaato.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT