Dowladda Uganda oo 11-sano ka dib Cabsi iyo Walwal ka Muujineysa Howlgallada ay ka waddo dalka Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Uganda Sam Kutesa ayaa sheegay in horumarkii ay sameysay Amisom 11-kii sano ee la soo dhaafay uu hadda halis ku jiro kaddib markii ay billaabatay qorshaha dhimista Ciidanka Amisom ee Soomaaliya jooga.

Wasiirrada arrimaha dibadda iyo Difaaca ee waddamada ku jira Hawlgalka Amisom ayaa waxa ay ka digeen fulinta qaraarka Qaramada Midoobay ee soo baxay bishii August ee sanadkii hore, kaas oo faraayay in Ciidanka Amisom si tartiib tartiib ah ay amniga ugu wareejiyaan Ciidanka Soomaaliya islamarkaana tartiib tartiib uga baxaan dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasiirrada arrimaha dibadda iyo difaaca waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa sheegay in haddii qorsha bixitaanka Amisom la sii wado ay taas micnaheeda tahay in hawlgalka uu fashil ku dhaw yahay.

Wasiirku waxa uu ku baaqay gargaar kordhin iyo isku xirnaan dheeraad ah oo ay Beesha Caalamka la garab istaagto Amisom si uu hawlgalka u guuleysto.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan Amisom waa midka ugu waqtiga dheer hawlgallada AU-da ka waddo Afrika,waxaana 7-da Bishan March uu jirsanayaa sanadkiisii 11-aad.

Dhinaca kale war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Madaxda ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka dhacay Kampala ayaa lagu sheegay in qaraarkii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu yahay mid dib u dhac u keenaya hawlgalka loona baahan yahay in laga laabto.

Qaraarkaas waxaa uu faraayay in December 2017 ay Soomaaliya ka baxaan 1,000 Askari taas oo dhaqan gashay iyada oo Bisha May ee soo socota ee sanadkan uu qorshahu yahay in ay baxaan 1,000 Askari oo kale.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT