DAAWO:-R/W Kheyre oo ka badbaaday shirqool ay u maleegtay Imaaraadka Carabta la damacsanaan

Siyaasiyiin iyo Waxgarad ku sugan magaalada Muqdisho ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlay Heshiiskii dalka isku taga Imaaraadka Carabta ay ku gaareen Shirkadda DP WORLD iyo Maamulka Somaliland.

Waxgaradka qaar ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ka badbaaday shirqool ay u maleegeen Imaaraadka Carabta,maadama ay isku soo beegantay joogitaankiisa Imaaraadka iyo Heshiiskii la galay ee Dekadda Ber bera.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safarkii Imaaraadka ayaa sharcidaro ku tilmaamay Heshiiskaasi.

Halkaan Hoose Ka daawada Muuqaalka:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT