Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
Ciidanka xoogga oo wacad lagula galay inay dagaal adag la galaan Shabaab oo tababar caalami ah loo soo xiray | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> Ciidanka xoogga oo wacad lagula galay inay dagaal adag la galaan Shabaab oo tababar caalami ah loo soo xiray | Hal Sheegaha La Hubo

Ciidanka xoogga oo wacad lagula galay inay dagaal adag la galaan Shabaab oo tababar caalami ah loo soo xiray

Ciidammadan ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee maanta loo dhaariyay Difaaca Dalka ayaa lagu carbiyey xerada tababarrada ee Turky-Som, kuwaas oo isugu jiro saraakiil dhallinyaro aqoonyahanno oo noocyo kala duwan leh, qaatayna tababarro ka kooban Xeeladaha ciidanka Milatariga.

Askartan ayaa tiro ahaan lagu sheegay inay yihiin 138-askari waxaana loo dhaariyey in ay si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, u difaacaan uguna shaqeeyaan Calankooda Soomaaliyeed sharaftiisa.

Munaasabadda dhaarinta waxaa joogey abaalduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed General Cabdullaahi Cali Caanood, saraakiisha ugu sarreysa xeradan Turky-SOM iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Ciidammadan oo si casri ah u tababaran ayaa lagu qalabbeeyey hubka noocyada carsiga ah ee tiknoolajiyadda maanta la jaanqaadaya.

Hoggaanka Saraakiisha iyo qeybaha ciidanka kale ee la dhaariyey ayaa khubaddoodii ku sheegay in ay ka dhabeynayaan dhaarta ay dalka, dadka, calanka, iyo Diinta ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed u qaadeen, si ay uga ilaaliyaan cadowga gudaha iyo dibedda.

Taliyaha Xerada tababarka Turky-SOM G/sare Maxamed Yaasiin Karan ayaa aaminsan in ciidankan ay yihiin ciidammadii tusaalaha wanaagsan u noqon lahaa Xoogga dalka Soomaaliyeed, muraalka iyo qalabkuna ay ka dhisan yihiin.

Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta ayaa yiri “Soomaaliya mar kale ayeey dib ugu laabaneysaa sidii ay u soo ceshan lahayd ciidankeedii awoodda lahaa, si jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed u dhowraan, cadowgana uga ilaaliyaan, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad hormuud u noqotaan sidii aad dalkiina u nabaddeyn lahaydeen, waxaana idiin bilowdey bog cuusb oo taariikh dalkeenna aad uga qeybgeli doontaan, dhaarta aad dhaarateenna waa xaq”.

Kuliyadda Tabarka Ciidanka ee Turky-SOM ayaa xoogga saareysaa sidii ay u dhisi lahayd ciidan xooggan u tababarran hab carsi ah, heysta qalab ku filan, taas oo bilow u ah isku filnaansho ciidanka Soomaaliya oo amniga dalka la wareega mustaqbalka dhow.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT