Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
Wax Badan Ka Ogow Qaabkii ay Shabaab ula wareegeen Deg. Balcad, Khasaaraha & Xarumihii DFS Oo La Gubay | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> Wax Badan Ka Ogow Qaabkii ay Shabaab ula wareegeen Deg. Balcad, Khasaaraha & Xarumihii DFS Oo La Gubay | Hal Sheegaha La Hubo

Wax Badan Ka Ogow Qaabkii ay Shabaab ula wareegeen Deg. Balcad, Khasaaraha & Xarumihii DFS Oo La Gubay

Xoogag hubeysan oo Shabaab ka tirsan ayaa barkhanimadii maanta waxa ay laba jiho ka weerareen degmada Balcad oo 37-KM dhinaca Waqooyi ka xiga caasimada dalka ee Muqdisho.

Waxaa la sheegay dagaalka Balcad in uu ka horeeyay weerar dhabagal ah oo lagu qaaday Kolonyo Ciidamada AMISOM oo ka baxay Balcad, kuna sii jeeday Jowhar, waxaana loo galay agagaarka Haanshiikh oo u dhow Gololey.

Shabaabka ayaa waxaa u suuragashay dagaal kadib in ay la wareegaan qeybo ka mid ah degmada oo ay ka mid yihiin xarunta degmada iyo saldhigga Ciidanka Booliska, kadib markii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda.

Shabaab ayaa burburiyay qaar ka mid ah xafiisyada xarunta degmada, sida xafiiska arrimaha siyaasadda, kan Maaliyadda iyo kan amniga, waxaa kaloo la sheegay in Shabaab ay sii daayeen Maxaabiis ku xirneyda saldhigga.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa wali kala cadeyn, waxaana warar horu dhac ah oo aan heleyno ay sheegayaan in dad ka badan 10 ruux in ay ku dhinteen dagaalka.

Maamulka degmada oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in weerarka uu jiro, balse hada aanay wax war ah ka bixin karin dagaalkan, balse dib ay warbaahinta kala hadli doonaan.

Xaalada degmada ayaa kacsan, iyadoo laga maqlayo rasaas goos goos ah, dadkii ku sugnaa degmada ayaa isaga qaxay oo u cararay banaanka degmada.

Waxaana go’an isu socodka gaadiidka magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar iyadoo gaadiid badan oo saaka ka tagey magaalada Muqdisho ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Balcad.

Fikradaha Akhristayaasha (0)

ADVERTISEMENT