Daawo:- Garooon diyaaradeed oo laga hergaliyay magaalada Jalalaqsi ee G/Hiiraan

Garoonkii ugu horeyayoo gacan ka helaayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Jabuuti ayaa laga hergaliyay magaalada Jalalaqsi.

Dhismaha garoonka diyaaradaha ayaa yimid kadib markii xoogaga Al-shabaab ay godoomiyeen dagmada Jalalaqsi waxaana intaa kadib ay bilaabeen dadka degaanka iyo maamulka oo gacan ka helaayo ciidamada Jabuuti oo ka howlgalo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan .

Diyaaradan oo aheyd diyaaradaha qaada rakaab tiradooda ay gaareyso ilaa 50 ayaa waxay ka duushay garoonka diyaradaha magalada Muqdisho, waxaana halkaas ay geysay rakaabkii ugu horeyay oo shacab ah kuwaas oo dhinaca ka dega degmada Jalalaqsi.

Qaar ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaaradii tagtay degmada Jalalaqsi ayaa siweyn uso dhaweyay dulimaadka cusub ee ka bilaawday degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Cumar Cabdi Maxamed oo ka mid ah rakaabkii maanta lagu bilaabay dulimaadka cusub ee ka bilaawday Jalalaqsi ayaa shegeay in uu in muda ah ka maqnaa dagmadiisa balse uu maanta dib ugu so laabtay cumar ayaa intaa raaciyay in ay farxad u tahay shacabka ku nool Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Halkaan Hoose Ka Daawo:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT