Wax badan ka ogow Duqeyntii maanta ka dhacday deegaanka Lafoole & Ujeedka laga lahaa

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacday deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xaafadda Maracade ayaa la soo sheegayaa Duqeynta xoogeeda ka dhacday.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeynta, waxaana wararka qaar ay sheegyaan in diyaarad dagaal ay fulisay, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in ay ka dambeeyeen Ciidamada AMISOM ee fariisinta ku leh deegaankaasi.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeynta oo ahayd mid xoogan.

Waxaana la sheegay in halka lagu garaacay ay inta badan yimaadaan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab oo weli ku xoogan deegaano ka tiranGgobolkaasi Sh/ Hoose.

Xaaladda ayaa hadda dagan, balse dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan muujinaya, taas oo ku aadan duqeyntaasi.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT