Wararkii ugu dambeeyay Qarax ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho & Tirada dhimasha oo sii……

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Bar-Kontarol oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankan Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

Inta la ogyahay 3-ruux oo labo ka mid ah shacab yihiin halka mid kale uu yahay askari ka tirsan Dowladda ayaa ku dhimatay Qarax,waxaana uu yahay khasaaraha mid kooban.

Mid ka mid ah dadka Goobjoogayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in ruuxa waday gaariga miineysan uu ku jiray safafka gaadiid la baarayay,islamarkaana uu dhinaca Ciidamada wax ku diiwaan geliyaan u beeray ka dibna is qarxiyay,halkaasi oo uu sadddex qof iyo isaga ku nafwaayeen.

Waxaa laga digay weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho,iyadoo inta badan waddooyinka Muqdisho ay u xiran yihiin xaalad amni.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT