Muxuu Cumar C/rashiid U Diidan Yahay Inuu La Heshiiyo M/weyne Farmaajo?Muxuuse Rabaa?

Xog hoose oo heshay warbaahinta halsheeg.com ayaa sheegeysa in Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi rashiid Cali Sharma’arke uu ka caga jiidayo in wada hadal lagu heshiisiinayo uu la qaato Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Qorshahan heshiisiinta ayaa waxaa waday Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed xul ah.

Ina Cabdi rashiid ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo inuusan ka tanaasulin wakiilka uu sida qarsoodiga ugu yahay Imaaraadka, isagoo u qaabilsan carqaladeynta siyaasada Soomaaliya.

Khilaafka labada mas’uul ee heerka ugu sareeya gaaray ayaa ka bilowday kadib markii Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid ku dhiiraday inuu qalqal galiyo dowladaha hadda jirta iyadoo loo adeegsanaayo dhaqaale xoogan badan oo lagu bixinaayay Xisbiyada Mucaradka.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la ogeyn sida Madaxweynaha Puntland iyo Odayaasha dhaqanka ay ugu qancin doonaan Cumar Cabdi rashiid inuu heshiis la galo Farmaajo uu ka biyo diidan yahay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT