Maxay Al-Shabaab ka yiraahdeen Qaraxii ismiidaaminta maanta Muqdisho ka dhacay?

Xarakaada Al-shabaab ayaa sheegatay in goordhow ay weerar ismiidaamin ah ka fulisay degaanka Siinka dheer oo ah bar koontarool oo ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka Muqdisho.

Warbixinta Al-shabab waxaa ay ku sheegeen in ay ku dhawaad 20 Askari ku dileen weerarka oo ay sheegeen in ay la beegsadeen Ciidamo dowladda ah oo isugu yimid Koontaroolka Siinka dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dhinaca Dowladda Soomaaliya,dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa u sheegay warbaahinta in saaka ay Ciidamada AMISOM ee deggan degaanka Carbiska ay qarxiyeen walxaha qarxa kuwaas oo dowladdii Milatariga kaga tagtay degaankaas


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT